U bood dhigaalka

DHAGEYSO: Deegaanno Ka Tirsan Mudug Oo Laga Soo Sheegayo Xaalad Aadag Oo Dhanka Nolosha Ah

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Xero Dhagaxley ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Qaar kamid ah dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney ku adag tahay helista cunto, Biyo iyo sidoo kale dawo.

Liibaan Saciid oo kamid ah dadkaan ayaa sheegay in haddii dadka aanay helin biyo iyo raashiin ay halis ugu jiraan iney dhammaadaan, wuxuuna sheegay sidoo kale in abaartii oo is ku xigsatay ay keentay in xaaladdu ay meel halis ah sii gaarto.

Sidoo kale Liibaan ayaa inoo sheegay in abaarta ay usii dheer tahay lacagtii dadku ay wax ku iibsanayeen aanu shaqeyneyn.

Qaar kamid ah dadkii ku dhaqnaa deegaanka Xaro Dhagaxley ee Mudug ayaa bilaabay in halkaasi ay isaga barakacaan oo ay aadaan meel ay naftooda ku badbaadsadaan.

Gobolka Mudug ayaa kamid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta baaahsan ee ka jirta gobollada dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News