U bood dhigaalka

Dhageyso: Degmada Doolow Oo Laga Hirgeliyey Mashruuca Waraabka Beeraha

Sheeko:Dalka

Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa laga hirgeliyey Mashruuca Waraabka Beeraha oo wax looga Qabanayo cunno yaraanta ka jirta Gobolkaasi.

Mashruuca waraabka Beeraha ee Fadal ayaa bishii 8-aad ee sanadkaan waxaa laga hirgeliyey duleedka degmada Doolow ee Gedo, waxaana uu ku fadhiyaa dhul beereed cabirkiisu uu dhan yahay ilaa 3-km oo wareeg ah, waxaana Mashruuca oo biyaha wabiga Jubba lagu gaarsiinayo dhulka fog ee baadiyaha ah loogu talogalay in lagu waraabiyo dhul Beereedyada halkaasi ku yaalla.

Maxamed Sheekh Dhuubow waa madaxa Iskaashatada Beeraleyda Doolow, waxaana uu Goobjoog News u sheegay hirgelinta mashruucan beeraha waraabka oo ahaa kii ugu ballaarnaa ee laga hirgeliyo degmo ka mid ah gobolka in ay iska kaashadeen dhallinyaro ganacsato deegaanka ah oo gaaraya ilaa 5 ruux, sababta loo sameeyey ayuu ku micneeyey kobcinta wax soosaarka beeraha gobolka, la dagaalanka cunno yarida, shaqo u abuurka dadka muruqmaalka ah iyo si loo daboolo baahiyaha cunno yarida ka jirta Gobolka.

Mashruucan ayaa wax badan ka qaban doono xaalado badan oo ka jira sanadihii ugu dambeeyay guud ahaan gobolka Gedo.

Halkaan hoose ka dhageyso


Goobjoog News