U bood dhigaalka

Dhageyso: DF Oo Lagu Dhaliilay In Ay Xoogeyso Doorashada Baydhabo

Sheeko:Amniga

Siyaasi Cismaan Sheekh Muxumed(Qoox) oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay doorashada madaxtinimada oo lagu wado in maalinka berri ay ka qabsoonto magaalada Baydhabo ee caasimad goboleedka gobolka Baay.

Wuxuu sheegay in doorashadani aan la oran Karin mid caddaalad ah isagoo ku sababeeyay in doorashada laga reebay mid kamid ah lixdii musharrax ee isu soo taagay waa Mukhtaar Rooboow Mansuur.

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday dibadbaxyadii rabshadaha watay oo dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo.

Siyaasiga ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in dadkii ka dambeeyay khasaaraha ka dhashay dibadbaxyadaasi in lagu la xisaabtamo.

Siyaasi Cismaan Qoox ayaa sheegay in dibadbaxyo ay ku diidan yihiin rabashadihii ay Baydhabo martigalisay iyo soo qabashada Mukhtaar Rooboow ay ka dhigi doonaan dalka UK oo ogalaanshiyo ay dowladdaasi ka heystaan.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News