U bood dhigaalka

Dhageyso: DFS Oo Guryo Dib Loo Dhisay Ku Wareejisay Shacab Ku Sugan Deegaanka Sabiib Iyo Caanoole, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib waxa ay u dhistay guryo ku yaallay deegaanka Sabiib Iyo Caanoole ee gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo la sheegay iney bur-buriyeen Al-shabaab.

Guryahan ayaa waxaa lagu wareejiyey shacabkii horey deganaa, waxaana sidoo kale dib loo dhisay masjid halkaasi ku yaalla.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Isaaq Abow, wasiirka amniga Koonfur galbeed Isaaq Cali Subag iyo xildhibaanno ayaa wareejinta guryahan goob joog u ahaa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog ku sheegay in sidoo kale deegaankaasi laga hirgeliyey nalalka ku shaqeeya cad-ceedda.

Wuxuu xildhibaanka tilmaamay in shacabkan ku dhaqan deegaankan ay aad usoo dhoweeyeen isbedallada iyo amniga hadda jira.

Sabiib Iyo Caanoole waxaa horey u maamuli jiray Al-shabaab, hase ahaatee waxaa iminka gacanta ku haya ciidanka DFS.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News