U bood dhigaalka

Dhageyso: DFS Oo Loogu Baaqay In Aqalka Sare u Deyso Xallinta Khilaafka Galmudug

Sheeko:Dalka

Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka war sugto guddiga aqalka sare u diray Galmudug.

Waxa ay sheegeen in madaxweynaha uu ku degdegay u yeerista madaxda Galmudug, loona baahan yahay in warbixin ka sugo xubnaha aqalka sare.

Aqoonyahannada ayaa sidoo kale sheegay in aqalka sare xubnaha ka socday ee aaday Galmudug ay wax badan ogyihiin, ayna yihiin kuwa kaliya ee wax xallin kara.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho isugu yeeray madaxda Galmudug si loo xalliyo khilaafkooda, hase ahaatee waxaa ka horyimid madaxweyne Xaaf.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News