U bood dhigaalka

Dhageyso: DFS Oo Qaramada Midoobay Ka Dalbatay In Dalka Laga Qaado Xayiraadda Hubka

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay Qaramada Midoobay in dalka laga qaado xayiraadda saaran ee dhanka hubka ah.

Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in xayiraaddan oo la qaado ay sahleyso in Soomaaliya hesho awood ciidan iyo in laga adkaado waxa loogu yeero argagaxisada.

Dhanka kale, wasiirka ayaa ku amaanay doorka AMISOM ee ku aadan nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kaalin weyn ka qaataan howlaha lagu xasilinayo dalka.

Waxa uu sheegay iney yihiin geesiyaal naftooda u huray badbaadada Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in ay sii socdaan howlgallada Midowga Africa ee Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News