U bood dhigaalka

Dhageyso: Dhac Loo Geystay Iskuul Ku Yaalla Degmada Dharkeenley

Sheeko:Dalka

Koox hubeysan ayaa dhac u geystay mid ka mid ah iskuullada ku yaalla degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay raggan qaateen qalab u badan Computer, sida uu Goobjoog u sheegay maamulaha iskuulka Banaadir, C/laahi Sheekh C/raxmaan.

Ragga wax dhacay ayuu sheegay iney ahaayeen Shan, islamarkaana ay xalay soo galeen gudaha iskuulka ay xir xireen waardiyahii, iyaga oo ku hubeysnaa Labo qori iyo Bistoolad, sidaasina ay agabka ku qaateen

Waxa uu sheegay in Computer-ada la qaatay ay ku jiraan xogtii ardayda wax ka badan 10 sano.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News