U bood dhigaalka

Dhageyso: Dhaliil Loo Jeediyey Maamulka Gaas

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo maamulka Puntland ayaa ku dhaliilay xukuumadda Gaas ee waqtigeeda dhammanaayo in aysan waxba ka qaban dhaqaalaha maamulkaas.

Daahir Mire Jabriil oo ka mid ah musharrixiinta sanadkaan u tartamaya doorashada Puntland ayaa sheegay in waqti badan oo dhaqaalo lagu abuuri karay aanan waxba laga qaban, isagoo xusay in looga baahnaa maamulka hada jira ee Puntland in adeegyada aas-aasiga ah aanu wax badan ka qaban.

Sidoo kale, Daahir ayaa sheegay in Puntland ay hadda fursado kale haysato, islamarkaana xildhibaannada loo baahan yahay iney doortaan shaqsi waxtar leh.

8-January 2019 ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News