U bood dhigaalka

Dhageyso: Dhallinyarada Kubadda Cagta Ee Jowhar Oo Ka Cabanaya Dayac ka Jira Garoomada

Sheeko:Cayaaraha

Dhallinyarada Kubadda Cagta ee magaalada Jowhar ayaa ka cabanaa dayac ka jira qaar ka mid ah Garoomada lagu ciyaaro Banooniga.

Dhallinyarada ayaa sheegay in garoomada qaarkood laga dhigay meelo lagu shubo qashinka, halka kuwa kalana loo adeegsado xabaale.

Dhallinyarada Kubadda cagta ee ku nool Jowhar ayaa arrintani ku tilmaamay in ay keeni karto dib u dhac ku yimaada  horumarka Ciyaaraha,taasi oo asaas u ah is dhexgalka bulshada iyo xasiloonnida.

Ciyaartoyda gobolka Sh/dhexe ayaa maamuus iyo magac ku lahaa Kubadda Cagta Ciyaarihii gobollada dalka iyaga oo meelo wanaagsan ka gaari jiray tartamada Ciyaaraha, balse waayihii dambe waxaa sii yaraanayey awoodii Ciyaartoyda oo sabab ay u tahay sida la sheegay in Garoomada aan dayac-tir lagu sameynin.

 

Halkaan hoose ka dhageyso

 

 

 

 

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada