U bood dhigaalka

Dhageyso: Dhallinyaro Magaalada Muqdisho Ka Hirgeliyey Xarun Lagu Keydiyo Dhiigga

Sheeko:Dalka

Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa si iskood ah magaalada Muqdisho uga sameeyey Bangi lagu keydiyo dhiigga.

Maalin walba waxaa xaruntan taga dhallinyaro badan oo dhiigooda ugu deeqa dadka Soomaaliyeed kale ee u baahan.

Waxa ay sheegeen dhallinyaradan in maadaama dalka aanu lahayn meel dhiig lagu keydiyo ay go’aansadeen in shaqadaasi ay dadkooda u qabtaan.

Dhallinyaradan ayaa sheegay in si bilaash ah ku shaqeeyaan, islamarkaana dadka dhiigga u baahan ay si bilaash ah ku siiyaan iyaga oo aan wax shuruud ah ku xirin.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News