U bood dhigaalka

Dhageyso: Dhimasho Iyo Dhaawacyo Ka Dhashay Dibadbaxyadii Baydhabo

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay waxaa maanta ka dhacay dibadbax xoogan oo ay dhigayeen dad kasoo horjeeda doorasho la filayo in maanta magaaladaasi ay ka dhacdo.

Gaari yar oo ay saarnaayeen rag hubaysan ayaa la sheegay in rasaas uu ku furay dibadbaxayaasha, waxaana halkaasi ku dhintay canug yar, halka Laba qof kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jiray askari ka mid ah Booliiska Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa.

Dadkaan ayaa rasaastaasi ka dib waxaa la sheegay in ay gubeen gaari ay sheegeen in uu ahaa midkii rasaasta looga soo furay, waxaana guud ee magaalada ay ahayd mid aad u kacsan.

Wariyaha Goobjoog Fm, ayaa soo sheegaya in xaaladda ay sidii hore ka yara degan tahay, waxaana ergooyinkii rabay in ay wax doortaan ay isugu yimaadeen Howlkii ay wax ku dooran lahaayeen.

Xarunta doorashada ay ka dhici doonto waxaa ku sugan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya kuwaa oo xaqiijinaaya amaanka halka doorashada ay ka dhici doonto.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News