U bood dhigaalka

Dhageyso: Dibadbax Ka Dhan Ah Shirkii Kismaayo Oo Ka Dhacay Garbahaarey, Gedo

Sheeko:Amniga
Dadweyne aad u badan ayaa maanta waxa ay dibadbax ballaaran ka dhigeen degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, waxaana ay kasoo horjeedeen shirkii shalay magaalada Kismaayo ugu soo dhammaaday madaxda dowlad goboleedyada.
Dibadbaxani waxaa soo qaban qaabiyey xubno ka kala socday ururada dhallinyarada iyo haweenka degmadaasi, iyadoo ay ka qeybgaleen Boqolaal ruux.
Aaden Cabdille Aaden oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka degmada Garbahaarey oo la hadlayey Goobjoog News ayaa sheegay dibad baxani ujeedadiisu ahayd sida shacabka ku dhaqan degmada Garbahaarey ay uga xun yahiin go’aannadii shalay kasoo baxay madaxda maamul goboleedyada.
“Ma dooneyno Dowlad diid,ma dooneyno Qaran dumis,haddii xariirka dowlada aan jarno xageen aadeynaa ma kenyaa,mise Ethopia,Dowlada Soomaaliya Xariirka looma jari karo,Cidii u jartana anaga waan ka Goosaneynaa” ayuu sheegay Aadan Cabdille in dadku sidaasi ku hadaaqayeen.
Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shalay ku dhowaaqay iney hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya.
Halkaan hoose ka dhageyso:
Goobjoog News