U bood dhigaalka

Dhageyso: Digniin Laga Bixiyey Duufaan Kusoo Wajahan Deegaanno Ka Mid Ah Puntland

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa ka digey Roob Dabeyl xooggan wata oo kusoo wajahan Xeebaha Gobolka Bari.

Agaasimaha Hay’adda Musiibooyinka Puntland ee Hadma Cabdilaahi Axmed Cayro ayaa u sheegay Goobjoog iney digniin u direen kalluumesatada iyo dadka Reer miyiga ah ee Xoolo dhaqatada ah si ay isaga jiraan khatarta duufaanta.

Duufaantan ayaa wadata roobab, waxaana uu sheegay in ay ku wajahan tahay dhanka dalka Yemen, balse ay saameyn ku yeelan doonto deegaanno Puntland, gaar ahaan kuwa ku yaalla xeebaha gobolka Bari.

Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen ganacsatada doomaha wax ku keensada, islamarkaana fareen in illaa iyo Isniinta soo aaddan sugaan.

Dabaylahan ayuu sheegay in Sabtida iyo Axadda la filayo iney saameeyaan deegaannada Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News