U bood dhigaalka

Dhageyso: Digniin Laga Bixiyey Qalqal Siyaasadeed Ka Dhaca Somaliland

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Siilaanyo ayaa markii ugu horreysay waxay ka hadashay is qabqabsigii ka dhashay doorashada guddoomiyaha baarlaamaanka ee maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Yaasiin Xaaji Maxamuud, ayaa sheegay in muhiim ay tahay in is qabqabsigaasi loo daayo baarlamaanka oo aan meello kale lala aadin.

Waxa uu sheegay in Dastuur uu leeyahay maamulkooda, islamarkaana wax walbo oo  dhacay dib loogu laaban doono nidaamka ay golayaasha ku shaqeeyaan.

Sidoo kale waxa uu ka digey in farogelin lagu sameeyo howlaha doorashada ee baarlamaanka Somaliland iyo sidoo kale in la abuuro falal amni darro.

“Doorashada nidaam sax ah ayaa loo maray, waxaan u aragnay in qaabkii hagaagsanaa loo maray, markii doorashadu dhacday kadib lagu dhowaaqay natiijadii doorashada”

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay xisbiga Wadani ee mucaaradka ah uu wado qalqal siyaasadeed, ka xukuumad ahaanna aanay u dulqaadan doonin.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News