U bood dhigaalka

Dhageyso: Diplomasi Oo Ka Hadlay Arrimo Ku Saabsan Doorashada

Sheeko:Dalka

Diplomasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in arrin sharciga ku qaldan ay tahay in guddoonka doorashada madaxweynaha ay xaflado ka sheegaan cidda ay dooranayaan.

Hadalka Diplomasi Maxamed Maxamuud oo arrimaha la taliye sharciga u ah dowladda Holland ayaa ku soo aadaya iyadoo habeen ka hor xaflad ay dhacday magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag inuu ka yiri Xasan Sheekh Maxamuud ayaan dooranayaa.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay cabashada musharrixiinta oo uu tilmaamay in cadaadis laga saaray howlo ay doonayeen inay isku arkaan shacabka Soomaaliyeed.

Wareysi caawa Goobjoog News uu siiyay Diplomasigani ayuu arrimahani kaga hadlay arrimahaasi iyo saameynta ay doorashada ku yeelan karaan.

Halka hoose ka dhageyso wareysiga