U bood dhigaalka

Dhageyso Dood Khilaafka Dowladda Iyo Maamullada

Sheeko:Amniga

Goobjoog News Waxaa ay dood ka sameysay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah  iyo dowlad goboleedyada.

Khilaafka ka dhex taagan Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ee shanta ah ayaa horraantii bishani sababay in shirkii Kismaayo ay ku shaaciyaan in ay hakiyeen wada shaqeyntii ay lahaayeen dowladda federaalka.

Haddaba, saameynta arrintani ay ku yeelan karto geeddi u socodka dowladnimo ee dalka iyo masuuliyadda cidda qaadanaysa ayaa doodda ku lafaguri doonnaa.

Dooddani waxaa naga la qeyb galaya Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ka soo shaqeeyay xeer ilaalintii iyo wasaaraddii beeraha ee dowladdii dhexe haddana ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka iyo Danjire Maxamed Maxamuud Nuur(Caalim) oo ka faallooda siyaasadda geeska Afrika waxna ka qora.

HOOS KA DHAGEYSO DOODDA:

Goobjoog News