U bood dhigaalka

Dhageyso: Dood Ku Saabsan Naafada Soomaaliyeed Iyo Xuquuqda Ay Leeyihiin

Sheeko:Dalka

NaafoWaxaa jira Dad Naafo Soomaaliyeed ah, kuwaa oo badi cabasho ka muujiya in aanay haysan xuquuqdii ay lahaayeen.

Dhawaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dibadbax ay dhigayeen dad badan oo naafo ah, kuwaa oo sheegay in xaaladooda ay liidato.

Sidoo kale waxay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka la’yihiin xuquuqdii ay ku lahaayeen, ayna doonayaan in wax walbo oo xaqooda ah lasiiyo.

Hadaba Dastuurka Dalka waxa uu ka leeyahay dadka naafadda ah iyo sidoo kale xuquuqda ay leeyihiin ayeeyna dood ka sameynay, waxaana doodaan ka qeyb galaya Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gudiga Dastuurka Baarlamaankii KMG ahaa, Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil iyo Sidoo kale Xuseen Cabdulaahi oo ah gudoomiyaha mid ka mid ah Ururuada u dhaq dhaqaaqa dadka naafadda ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Doodaan oo uu daadihinayo wariyaheena Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle.

Goobjoog News