U bood dhigaalka

Dhageyso: Doorashadii K/galbeed Oo Dib Loo Dhigay Iyo Jawaab La Siiyey DFS

Sheeko:Dalka

Golaha dhaqanka K/galbeed oo ah cidda leh go’aanka kama dambeysta ee arrimaha doorashooyinka K/galbeed ayaa goor dhow waxa ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaga dhowaaqeen in dib loo dhigay doorashada maamulkaasi oo la filayey iney dhacdo 17-ka bishan November.

Golahan oo cuksanaya qodob ka mid ah dastuurka K/galbeed ayaa go’aamiyey in doorashadaasi dib loogu dhigay sababo la xiriirta farogelinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa ay dowladda ku eedeeyen iney lacago laaluusha siisay xildhibaannada K/galbeed oo loo soo daabulay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Golahan ayaa dusha ka saaray dowladda dhexe gaar ahaan madaxda ugu sarreysa wax walbo oo dhacay.

Ugu dambeyn, doorashadan ayeey sheegeen in qabashadeeda la go’aamin doono marka la helo xaalad siyaasadeed oo deggan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News