U bood dhigaalka

Dhageyso: Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Qabsoomaya Sool iyo Sanaag

Sheeko:Dalka

Gobollada Sool iyo Sanaag waxaa ka soconaya ololaha doorashada Somaliland, waxaana imaanayay maalmihii dambe madaxda iyo masuuliyiinta axsaabta siyaasadeed ee Somaliland.

Guddiga doorashada ayaa iyana booqanayay degaanno ka tirsan gobolka Sool si ay u soo indha indheeyaan xaaladda maadaama doorashooyin la qabanayo.

Haddaba, saameyn intee la eg ayay yeelan kartaa gobollada Sool iyo Sanaag oo lagu muransan yahay maamulkooda in doorashooyin ay ka dhacaan, maxayse uga dhigan tahay Puntland oo markii la dhisayay gobolladaasi lagu dhisay.

Maxamuud Xaaji Saalax oo mar soo noqday wasiirka beeraha Puntland ayaa sheegay in doorashooyinka Somaliland oo ka qabsooma Sool iyo Sanaag inay Puntland uga dhigan tahay in gobolladaasi aysan u xisaabsanayn.

“Xukuumadda waa ay ka gaabisay gobollada Sool iyo Sanaag oo waad la socoteen in la lahaa ciidamo ayaa loo diray gobolladaasi balse ma aynaan dhaafin Tukaraq” ayuu yiri DR Maxamuud Xaaji Saalax.

Wareysiga hoos ka dhagayso: