U bood dhigaalka

Dhageyso Dowladda K/galbeed “Xukuumadda Muqdisho Shaqo Kuma Lahan Doorashada Baydhabo”

Sheeko:Amniga

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in xukuumadda Muqdisho aynaan goobjoog ka noqon doonin doorashada madaxweynenimo ee maamulkaasi.

Wasiirka Dasuurka ee dowladda Koonfur Galbeed, mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa wareysi uu siiyay mareegta Goobjoog News wuxuu kaga hadlay arrimaha doorashada madaxweynenimo ee dowlad goboleedkaas.

Wuxuu gaashaanka ku dhuftay war dhowaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxaa looga hadley arrimo kala duwan waxaana kamid ah inuu u ballan qaadey dowladaha xubnaha ka ah xukuumadda federaalka in kaalmo dhinac kasta ahi oo doorashooyinka degaannadooda ku soo foodka leh.

Koonfur Galbeed oo kamid ah degaannada ay ka dhaceyso dhowaan doorashada Madaxtinimada ayaa waxa ka harsan laba bil maadaama bisha November ay doorashada madaxtooyada qabsoomayso.

Wareysiga aan la yeelanay wasiirka oo uu kaga hadlay arrimo quseeya doorashadaasi ayaa tilmaamay in dastuurka dalka uu dhigayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ama dowladda aysan shaqo ku lahayn doorashada  Madaxtooyadda ee dowlad goboleedyada.

Wasiirka dastuurka Koonfur Galbeed ayaa carrabka ku dhuftay in aynaan qorshaha ugu jirin inay xukuumadda Muqdisho, kasoo muuqato goobta ay ka dhaceyso doorashadda Baydhabo, taasoo la rumeysan yahay inay ka xamaasad badan tahay kuwii hore.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili uu jiro khilaaf siyaasadeed oo udhaxeeya Madaxda dowladda iyo afar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah, kuwaasoo xiriirka u jaray  Villa Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News