U bood dhigaalka

Dhageyso: Dowladda Oo Hay’adda USAID La Saxiixan Doonto Mashaariic Ku Baxaysa $300 Milyan

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adda USAID ay la saxiixan doonto dhowaan heshiiska mashaariic ku baxaysa lacag dhan $300 Milyan.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in heshiiskan la saxiixi doono maalmaha soo socda.

Waxa uu tilmaamay in lacagtaasi ay noqon doonto middii ugu horreysay muddo 30 sano ah kadib dalka gudahiisa lagu saxiixo.

Sidoo kale, wasiir Jamaal ayaa sheegay in tani ay siin doonto awoodda in go’aan ay dowladda ka gaarto mashaariicda, sidey u fulayaan iyo meelaha ay ka fulayaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News