U bood dhigaalka

Dhageyso: Dowladda Oo Lagu Dhaliilay In Dad Aan Aqoon Lahayn Ay U Magacawdo Amniga

Sheeko:Amniga

Hi Dadka ka faalooda arrimaha ciidanka ayaa sheegaya in ka bixitaanka ciidamada dowladda ee tuulooyinka dalka ay caqabad ku noqon karto dadaaladda Shabaab looga saarayo meelaha wali maamulkooda kusoo hoosjira.

Alshabaab ayaa maanta si nabad ah ula wareegay degaanno hoostaga degmada Balcad oo magaaladani Muqdisho jihada waqooyi kaga beegan 30 KM.

Col. Shariif Rooboow oo kamid ah saraakiishii hore ee xoogga dalka ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegaya in tallaabada Xarakada Alshabaab ay ku wareegeen degaanno hoostaga Balcad ay wax weyn u dhimi karto ammaanka magaalada Muqdisho.

“Saameyn weyn ayay ku yeelanaysa ammaanka magaalada Muqdisho sababtoo ah ammaanka oo sii xumaa ayay Alshabaab la wareegayaan degaanno kale” ayuu yiri Col Shariif Rooboow.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News