U bood dhigaalka

Dhageyso: Dowladda Oo Lagu Eedeeyay Iney Ka Gaabisay Wax Ka Qasbashada Musuq Maasuqa

Sheeko:Dalka

Maxamed Maxamuud Caalim oo ah siyaasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaabisay wax ka qabashada Musuqa, islamarkaana ay jiraan musuqyo muuqda oo aan waxbo laga qaban.

Wuxuu sheegay in musuq lagu sameeyay saanad ay lahaayeen ciidanka xoogga dalka, ayna keentay dowladda Maraykanka, taasi oo uu sheegay in ay keentay in Maraykanka hakiyo dhaqaalihii uu ciidanka ku taageeri lahaa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayuu sheegay in laga doonayo iney iska bari yeelaan waxa dhacay, sidoo kalena la xisaabtan dhab ah lala sameeyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga iyo Taliyahii ciidanka xoogga dalka ee is casilay.

“Kolley wey muuqataa in rag madax ah oo xukuumaddan ka tirsanaa ay arrin musuq isku casileen, cid wax ka dhahday malahan, madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaa laga doonayaa iney iska bariyeelaan arrintaasi oo ay la yimaadaan la xisaabtan dhab ah” ayuu yiri Caalim

Ugu dambeyn, siyaasi Maxamed Maxamuud ayaa ku taliyey in dowladda Federaalka Soomaaliya aanay yareesan arrimaha la xiriira musuqa oo ay madaxdu ka dhabeeyaan ballanqaadkoodii ahaa la dagaalanka musuqa.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News