U bood dhigaalka

Dhageyso: Dowladda Oo Loogu Baaqay In Qorshe Cad La Tagto Shirka Brussels

Sheeko:Dalka

Aqoonyahannada Soomaaliyeed qaarkood ayaa waxay dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in qorshe cad ay la tagto shirka maanta ka furmay magaalada Brussels kaasi oo looga hadlayo amniga Soomaaliya.

Aqoonyahan Maxamed Mustafa oo ka faalooda arrimaha siyaasadda dalka ayaa sheegay in waxa ugu horreeyo ee dowladda looga baahan yahay tahay in wax qorsheysan la tagto shirkan, islamarkaana in ajendeyaal wax ku ool ah lala tago.

Maxamuud Cismaan Baaltaag oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa isna dhankiisa wuxuu sheegay in arrinta amniga ee shirkan looga hadlayo muhiimad leedahay balse ay haboonaan lahayd in ciidamada Soomaaliyeed lagu taageero, dowladdana ay arrintaasi xoogga saarto.

Shirkan maanta ka furmay Brussels ee Belgium waxaa looga hadlayaa amniga dalka, waxaana shir guddoominaya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixin uu arrintan ka diyaariyey wariyaheenna C/wahaab Maxamed Ibraahim.

Goobjoog News