U bood dhigaalka

Dhageyso: Dowladda Oo Qabatay Eedeysanayaal Gabar Ardayad Ah Ku Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda federaalka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal kamid ah kuwii geystay dilka gabadh ardayad ahayd oo shalay rasaas ciidamo ka tirsan dowladda ugu geeriyootay magaalada Muqdisho.

Deeqo Daahir Cali oo aheyd Ardayad 9 sano jir ah, islamarkaana dhiganeysay fasalka 9aad ee dugsiga Hoyga Xamar ee magaaladda Muqdisho ayaa shalay u geeriyootay rasaas ay rideen askar ka tirsan dowladda xilli wadada ay ahayd mid aad u mashquul badan.

Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi ayaa sheegay in eedeysanayaal gaaraya afar oo kamid ah askartii rasaasta furay ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka ee dowladda.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:

Goobjoog News