U bood dhigaalka

Dhageyso: Dr. Axmed Maxamed “Sidey u Dhaqmayaan Maamul Goboleedyada Waa Nidaamkii Hoggaamiye Kooxeedyadii Oo La Casriyeeyay”

Sheeko:Dalka

Dr. Axmed Maxamed Maxamuud oo bartay xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in maamul goboleedyada qaar ay horboodaan dowladda oo ay iloobaan shaqadooda rasmiga ah.

Waxa uu tilmaamay Dr. Axmed iney jiraan qodobo aan dowladda lala farogelin sida arrimaha dibadda, socdaalka, maaliyadda iyo difaaca qaranka.

Maamul goboleedyada jira ayuu ku sheegay in nidaamka ah hadda ku dhaqmayaan ay lamid tahay qaabkii hoggaamiye kooxeedyadii dalka oo la casriyeeyay.

Waxa uu dowladda Federaalka kula taliyey iney ka ashtakooto maamul goboleedyada, maadaama ay kasoo gudbeen wixii dastuurka uu xaqa u siinayey.

Qaar kamid ah maamullada dalka ka jira ayaa kahor yimid go’aan ay dowladda dhexe ka gaartay xiisadda khaliijka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News