U bood dhigaalka

Dhageyso: DR Culusoow Oo Ka Hadlay Saameynta Miisaaniyaddii Somalia La Siinayay Oo Hoos U Dhacday

Sheeko:Dalka

Maxamud Maxamed Culusoow oo ah khabiir dhanka dhaqaalaha ah oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo deeqaha dhaqaale oo caalamku uu ku baritaaro dalka.

Diktoorka oo aan su’aalnay waxa ka jira in lacagtani 80 Million ee dollar in ay tahay mid cusub oo hadda Soomaaliya la siinayo ayaa sheegay in barnaamij billoowday 2013-kii uu yahay qorshahaasi.

Guddoomiyihii hore ee Bank dhexe ee dalka Soomaaliya DR Culusoow ayaa daboolka ka qaaday in deeq bixiyeyaasha caalamka ay ka caga jiidayaan kaalmeynta xukuumadda federaalka waa dhinaca dhaqaalaha.

Waxaa uu soo hadal qaaday in Miisaaniyaddii dowladda uga imaan jirtay beesha caalamka ay hoos u dhacday arrintaasina ay saameyn dhaqaale xumo keeni karto.

Wuxuu sheegay in arrintaasi ay leedahay saameynteeda oo bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo waxyaabo kale oo lagu dabbari jiray dhaqaalaha adduunka laga helo ay istaagi karaan.

“Runtii waxay ku yeelanaysaa haddaad fiiriso miisaaniyadda 2018-ka 274 Million oo dollar ayay ahayd, dowladda federaalka lacagta canshuurta oo inta badan dekadda ka soo galaysa waa 156 Million oo dollar 118 million waxay ahayd lacag ka imaanaysa dibadda, marka Lacagtaasi dibadaha ka imaanaysa waxaa kamid ah 80-ka Million ah 100-ka million ayaa kamid ah, waxaana lagu bixiyaa inta badan shaqaalaha dowladda ama dowlad goboleedyada ama waxyaabaha kale ee qarashka tababarrada iyo gaadiidka, waxyaabaha dhacay waxaa kamid ahaa waxaa ku jiri jiray ciidamada xataa mushaarka la siiyo booliiska iyo Millateriga oo waayadii dambe Millateriga waa laga gooyay, haddii lacagtii la waayo meelahaas oo dhan mushaarkiina la bixin waayo saameyn waa imaanaysa” ayuu yiri DR Maxamuud Maxamed.

Waxaa sidoo kale wareysigayaga wax kaga weydiinay qaabka ay ku sahlanaan karayso in dib loo yegleelo hannaankii maaliyadeed iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee dalka.

Dr. Culusow, ayaa soo qabtay jagooyin kale duwan sida Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhammeystiran:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada