U bood dhigaalka

Dhageyso: Dr. Saciid Ciise “Madaxweynaha Wuxuu Nooga Baxay Ballan Aan Galnay Xilligii Doorashada”

Sheeko:Dalka

Mid Kamid Ah Musharraxiintii 8 Febraayo Oo Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Uu Ballan Uga Baxay Musharraxiintii Isbedal Doonka Ahayd

Mid kamid ah musharrixiintii kursiga madaxtooyada u tartamay Febraayo 2017, ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu kaga baxay ballamo ay wada dhigteen.

Dr. Saciid Ciise Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo intii aysan gelin doorashada 8 Febraayo ay kala qorteen heshiis iyaga oo ah dhowr musharrixiin.

Heshiiskaasi ayuu sheegay inay kamid ahayd in qof walba oo kamid ah oo guuleysta uu talada dalka wax ka siinayo musharrixiinta kale, taasna aysan dhicin isagoo carrabka ku dhuftay in Farmaajo sidii ay moodayeen uusan noqon oo waji kale uu ula soo baxay doorashada kadib waa sida uu hadalka u dhigaye.

Warqaddaasi waxaa musharrixiintii la magac baxay isbedal doonka oo uu Dr Saciid, Farmaajo, Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Bashiir Raage Shiiraar iyo rag kale ay ku jireen ka saxiixay Ridwaan Xirsi Maxamed oo dowladdii hore ee Xasan Sheekh ka soo noqday Raiysal wasaare ku xigeen iyo wasiirka diinta iyo awqaafta waa sida uu xusay Dr. Saciid.

Waxaa uu tilmaamay sidoo kale in madaxweynaha markii uu ka baxay heshiiskooda uu muhiimadda siiyay dadkii waday ololihiisa doorashada iyo dowlado taageeray xilliga doorashada.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News