U bood dhigaalka

Dhageyso: Duqii Hore Ee Buulo Burde Oo Diiday In Uu Wareejiyo Xilka

Sheeko:Amniga

Duqii hore degmada Buulo-burde ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in si sharci aan loo soo marin xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Maxamed Axmed Rooble duqii Buule-burde ayaa sheegay in marna uusan ogaalan doonin in xilka uu wareejiyo,isagoo tilmamay in hab sax ah aan loo soo marin xil ka qaadista lagu sameeyay

Waxaa uu sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle aysan inta badan sharci u marin xil ka qaadista lagu sameeynayo masuuliyiinta .

Wareegto ka soo baxday  Sagaalkii bishan Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa xilkii looga qaaday Maxamed Axmed Rooble  oo ahaa duqii Buulo-burde waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Fiidow.

Wareegtada waxaa lagu xusay in hay’adaha amniga iyo Madaxda degmada la shaqeeyaan duqa cusube ee degmada.

 

 

Goobjoog News