U bood dhigaalka

Dhageyso: Eedaha Guddoomiyihii Xamarweyne Uu U Jeediyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ayaa eedo uu u jeediyay ku muteystay shaqo joojin iyo xabsi.

Mudane Cumar Shariif Jeeg, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda hadda jirta inay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnayd ee soo marta dalka, isagoo intaasii ku daray in dalka aysan wax dowlad ah ka jirin.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya in aan lagu aamni karin amniga dalka, islamarkaana ay yihiin kuwa qaraxyada soo geliya magaalada Muqdisho.

Eedeymahan ayaa soo dedejiyay shaqa-joojin todobaadkani lagu sameeyay guddoomiye Cumar Shariif, waxaana si KMG ah shaqada maamulka degmada loogu dhiibay xigeenkiisii dhanka amniga iyo siyaasadda, Axmed Maxamed Iidow, iyadoo sidoo kale xabsiga la dhigay guddoomiyaha.

“Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa ahay, waxaa lagu leeyahay Corruption iyo musuqmaasuq ayaa laga hortagayaa, dowladdii ayaa u horseedeysa corruption iyo musuqmaasuq” ayuu yiri guddoomiyihii shaqo joojinta lagu sameeyay.

Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ayaa intaas ku daray:

“Meeshaan la burburinayo waa degmada Xamarweyne, guddoomiyaheeda ayaan ahay waxaan ka warqabo malahan wax la i ogaysiiyay malahan waa boob, tuugnimo iyo dhac waxa loo socdo, waxaan u sheegayaa guddoomiyihii degmada ayaan ahay Kama a warqabo, aaway dowladdii iyo nadaamkii la sheegayay wax ka jira malahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mudane Shariif Jeeg.

Masuuliyiin dhowr ah iyo Taliye-yaal ciidan ayaa xabsi ugu jira musuq-maasuq, iyadoo uu Raysal wasaare Khayre bishii lasoo dhaafay shaqada ka joojiyay Wasiir ku xigeenkii arrimaha dibadda, Mukhtaar Mahad Daa’uud, oo arrimo la xiriira musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo u magacaabey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha horraantii 2017, Xasan Cali ayaa fagaarooyinka ka sheegayay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa ragaadiyay dalka 20 sano ee lasoo dhaafay.

Haddaba, mareegta Goobjoog News ayaa idiin la wadaagaysa hadalka guddoomiyihii Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg kaasoo shaqo joojin lagu sameeyay.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News