U bood dhigaalka

Dhageyso: Kenya Oo Lagu Haysto Dad Ay Ku Laayeen Gedo

Sheeko:Amniga

Suldaan Maxamed Suldaan Xaaji Cabdi oo kamid ah ehelka qoyskaasi dhibtu soo gaartay ahna adeerka labada wiil ee dhintay ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in tacadigaasi ay ku kaceen ciidanka Kenya uu kamid yahay gaboodfallo ciidankaasi ay ka geystaan gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in carruur aan qaan gaar ahayn ay dileen waalidkii dhalayna ay dhaawaceen oo iminka ay yihiin garaab xaaladdooda kuwaas oo isbitaal loagu dabiibayo yaalla.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo iyada dalka mas’uul ka ah ayaanan ka hadlin inta badan falalka xasuuqa ah ee ciidamada shisheeye u geysanayaan shacabka.

Suldaan Maxamed ayaa tilmaamay in qaab xun ay ula dhaqmeen ciidanka Kenya.

HOOS KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News