U bood dhigaalka

Dhageyso: Ehlada Dadkii Lagu Diley Bariire Oo Sheegay In Meydadka La Aasi Doonin

Sheeko:Dalka

Ehlada dadkii shalay lagu diley deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in aysan aasi doonin meydadka inta ay cadaaladda ka helayaan.

Boqor Cabdi Axmed Cali oo kamid ah ehladan dadkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbanayaan cadaalad.

Waxa uu sheegay in iyagu aanay shabaab ahayn, marar badan falal sidan oo kale loogu diley dad shacab ah lagu sheegay iney yihiin Al-shabaab.

Dhanka kale, Boqor Cabdi Axmed ayaa tilmaamay in xildhibaannada iyo wasiirada ugu jira dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan iney dhanka dowladda jawaab degdeg ah uga keenaan.

10 qof oo shacab ah, caruurna ay ku jiraan ayaa shalay waxaa duleedka deegaanka Bariire ee Shabellaha Hoose ku diley ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo la sheegay iney la socdeen kuwo ajaaniib ah.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News