U bood dhigaalka

Dhageyso: Faah Faahin Dheeraad Ah Oo Laga Bixiyey Dilkii Guddoomiye Ku Xigeenka Matabaan

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey dil shalay loo geystay guddoomiye ku xigeenkii maamulka degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka amniga gobalka Hiiraan C/raxiin Taakooy ayaa Goobjoog u sheegay in sidoo kale weerarkaas lagu dilay Labo ka mid ah ilaaladiisa, iyadoo raggii dilka geystay ay halkaa isaga baxsadeen.

Waxa uu tilmaamay in dilkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan, waxaana gaari ay ku saarnaayeen Afar qof, iyadoo uu badbaaday oo kaliya Hal qof.

Taakooy ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka uu ahaa nin shaqo, islamarkaana ay ka xun yihiin waxa dhacay, isaga oo tilmaamay inuu ku wajahnaa magaalada B/weyne.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News