U bood dhigaalka

Dhageyso: Fallanqeyn Ku Saabsan Shirkii Wasiirrada Ee Xamar Ka Qabsoomay

Sheeko:Amniga

Madaxda dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa hadallo kale duwan ka jeedisay shirweyne ka dhacay magaaladani.

Shirka oo lagaga hadlayay qorsheyaasha xukuumadda federaalka ayaa lagu soo hadal qaadin arrimo dhowr ah sida arrinta barakacayaasha.

Danjire Maxamed Caalim oo kamkd ah dadka ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegaya in hoggaanka dalku aysan haynin dhabbihii saxda ahaa ee ahayd in dalka lagu hoggaamiyo.

“Shirkii khamiistii dhacay waxaa iiga baxay in dowladda federaalka ay hor yaallaan duruufo adag, marka aynu aragno arrimaha bulshada waxay u baahan yihiin sharcigii lagu fulin lahaa, arrimaha amniga sharcigii lagu fulin lahaa ayay u baahan yihiin, cadaaladda sharci lagu fuliyo ayay u baahan tahay, marka haddii aynaan dowladi sharci lahayn hadalkeedu wuxuu u ekaanayaa hadal been ah” ayuu yiri Danjire Maxamed Caalim.

Dhanka kale, Danjire Maxamed Caalim ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay muhiim tahay in ay caddeeyso wada shaqeeynta ay la leedahay baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in Raysal wasaaraha iyo gollihiisa wasiirrada aynaan iska war heynin, marka la eego qaabka ay isugu jawaabayeen shirka gudahiisa.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News