U bood dhigaalka

Dhageyso: Farmaajo Oo Sii Fogeeyey Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan, waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku aadan maamul goboleedyada, isaga oo sheegay hadal ay maamullada kaga sii fogaan karaan dowladda federaalka.

Ugu horreyn Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in maamullada waajib ka saaran yahay wax u qabashada dadka ku dhaqan deegaannada maamul walbo uu ka taliyo.

“Maamul goboleedka waxaa u soo haray in addeeggii ay gaarsiiyaan, haddii ay tahay waxbarasho, haddii ay tahay caafimaad, in dadka ay mas’uulka u yihiin ka warqabaan iyo haday tahay ceelal inay u sameeyaan iyo canshuuraha inay uruuriyaan, anigu waxaan ka hadlayaa nidaamka federaalka ah ee dunida ka jira waa noocaas”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in maamul goboleedyada doonayaan iney badiyaan socdaalka arrimaha dibadda oo ay la fariistaan madax kala duwan.

“Laakin maamul goboleedka haddii uu yiraahdo siyaasad arrimo dibadeed ayaan leeyahay oo gaar ah oo waxaan rabaa socodka inaan badiyo oo meelo badan tagtago, su’aasha taalla waxay tahay haddii aad la fariisato madaxweyne Salva Kiir adiga iyo Salva Kiir maxaa idin ka dhaxeeya?.maxaad kala saxiixan kartaan?..ileen adigu dowlad goboleed baad tahaye, marka haddii aad soo raadsato Salva Kiir iyo madaxweynayaasha gobolka ama Ra’iisul wasaarayaasha waxaad muujineysaa dalkaaga inuu kala daadsan yahay, dalkaaga inuu fowdo yahay”.

Hadalka madaxweyne Farmnaajo ayaa imaanaya xilli uu jiro khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dowlad goboleedyada.

Dhowaan ayeey ahayd markii madaxweynaha uu ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada iney yimaadaan Muqdisho si loo xaliyo tabashadooda.

Halkaan hoose ka dhageyso codka madaxweynaha

Goobjoog News