U bood dhigaalka

Dhageyso: Farmaajo “Siyaasiyiinta Xanaaqsan Dan Kama Lahan Mustaqbalka Soomaaliya”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa hadal uu ka jeediyey munaasabad looga hadlayey horumarinta waxbarashada waxa uu ka hadlay arrimo ku aadan siyaasiyiinta.

Waxa uu sheegay in ay jiraan siyaasiyiin carreysan, kuwaasi oo dalka aan dan ka lahayn, islamarkaana shacabka niyad jebiyey.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in madaxdii iyo siyaasiyiintii dadku eeganayeen ay ka hadlaan hadallo niyad jab ah ay shacabka iyaguna niyad jabayaan.

“Siyaasiga xanaaqsan shacabka hanaga niyad jabin, siyaasiga hanaaqsanow umadda rajada haka qaadina” ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyn,  madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalal badan ay soo mareen burbur balse laga gudbay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News