U bood dhigaalka

Dhageyso: Faysal Cali Waraabe Oo DFS Ku Eedeeyey Mas’uuliyadda Dagaalka Tukaraq

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey in gadaal ay ka riixeyso dagaallada ka socda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waraabe oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in xilligaan wax laga xumaado ay tahay in uu daato dhiig dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanu jirin wax la yiraahdo Puntland, ayna jiraan oo kaliya Somaliland iyo Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Muqdisho ayaa nalooga soo duulay, dagaalka illaa Xamar ayuu imaan doonaa, weyna isku xiran yihiin Muqdisho iyo Hargeysa” ayuu yiri Faysal.

Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay beesha caalamka iney ogaadaan dagaalka ka socda Tukaraq iyo in looga gardaaran yahay Somaliland.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News