U bood dhigaalka

Dhageyso: Faysal Oo Farriin Adag U Diray Muuse

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland ENG. ayaa ku dhawaaqay shir beeleed ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland ENG. Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlayay magaalada Hargaysa ayaa quus ka muujiyay doorashooyinka golaha degaanka iyo wakiillada oo dhowaan ka qabsoomaya Somaliland.

Faysal ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay xukuumadda Muuse Biixi madaxweynaha ka yahay ay ugu diyaargaroobeyso doorashooyinkaasi.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Somaliland ay dib ugu laabanayso wixii ay ka soo gudubtay, islamarkaana maanta halka ay marayso aynaan jirin meel ka xun.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku dhuftay in shir beeleed ay ku dhawaaqi doonaan isagoo ku goodiyay Muuse in uusan kursiga madaxtinimo ku sii fadhinaynin.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News