U bood dhigaalka

Dhageyso: Gaadiidka Cagafta Oo Laga Mamnuucay B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa magaalada B/weyne ee xarunta gobolkaasi ka mamnuucay gaadiidka loo yaqaan cagafta, kadib markii rogmashada gaadiidkaasi kusoo bateen magaaladaasi.

C/laahi Axmed Maalin, guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa soo saaray ammarkan gaadiidkan looga mamnuucayo B/weyne, wuxuuna u sababeeyey waddooyinka oo burbursan, biyaha oo badan iyo gaadiidkan oo billaabay iney rogmadaan.

Maxamed Nuur Dabaashe oo ah afhayeenka maamulka Hiiraan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in la sameyn doono xarig aad u dheer oo ay dadka qabsan doonaan, balse magaalada aan loo ogolaan doonin in gaadiid galaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in biyo badan ay mar kale soo galeen magaalada B/weyne, taasi oo xaaladda qatar kasii dhigtay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News