U bood dhigaalka

Dhageyso: Gaadiidka Tagaasida Oo Kusoo Badanaya Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa kusoo badanaya gaadiidka Tagaasida kuwaasi oo ka dhex shaqeeya gudaha magaalada iyo bannaankeeda.

Waxay wadayaashada Tagaasidan ay Goobjoog News u sheegeen in suuq wanaagsan ay ku haystaan magaaladaasi, islamarkaana ay noloshooda ku maareeyaan.

Shacabka macaamiisha u ah gaadiidkan ayaa sheegay in horumar badan laga gaaray isticmaalka Tagaasida, islamarkaana ay soo mareen xilli aan la heli jirin Tagaasi ama gaadiidka yar yar.

Magaalada Garoowe ayaa u muuqata mid ku tallabsaneysa horumarro kala duwan, iyadoo dhanka kale magaaladaasi ay bilic ahaanna noqotay mid aad isku bedashay marka loo eego sanadihii lasoo dhaafayu.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta:

Goobjoog News