U bood dhigaalka

Dhageyso: Gaadiidley Ka Cabanaya Isbaarooyin La Soo dhigay Wadada Xiriirisa Muqdisho Iyo Baydhabo

Sheeko:Amniga

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba ayaa waxaa ka taagan dhibaato weyn taasi oo ah in ciidamada Millatariga Soomaaliya ay soo dhigteen Isbaarooyin badan.

Gaadiidleyda ka shaqeeya wadada ayaa Goobjoog News u sheegay in ay go’aansanayaan inay iska dhaafaan Isticmaalka wadada ka dib markii ay soo kordheen dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamada Millatariga Soomaaliya.

Gaadiidleyda ka shaqeeya wadada waxaa ay tilmaameen in ciidamada ay ka qaadaan lacago badan oo aan sharci aheyn iyada oo ay sii dheertahay dil iyo Kufsi loo geysto dadka Shacabka ah ee saaran Baabuurta.

Wadayaasha gaadiidka waxay caddeeyeen in is baarooyinka la soo dhigay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo looga qaado lacag dhan 5- kun oo doolar,taasi oo aan sharci aheyn islamarkaasna aan wadan Boono waa sida ay sheegeen.

Dhanka kale Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xildhibaannada golaha Shacabka kulana kulmay gaadiidleyda magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha uu arrinta isbaarooyinka la xiriirta uu u gudbiyey tiro ka badan saddex jeer balse waxaa uu tilmaamay in ilaa iyo hadda uusan ka heynin wax jawaab ah.

Waxaa xusid mudan in Sanadkii la soo dhaafay Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisulwasaare Kheyre safar ay ku tageen Baydhabo waxay u ballan qaadeen shacabka gobolka Baay in gabi ahaan la qaadi doono isbaarooyinka yaallo wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, balse taas badalkeeda waxaa kordhay tacadiga loo geysto dadka Shacabka ah ee ku safra wadada sida ay sheegeen wadayaasha gaadiidka.

Halkan hoose ka dhageyso codadka.

 

 

Goobjoog News