U bood dhigaalka

Dhageyso: Gaalkacyo Oo Laga Daahfuray Koobka Ciyaaraha Mudug

Sheeko:Cayaaraha

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa si rasmi ah looga daahduray ciyaaro dhexmari doona degmooyinka gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo daahfuray ciyaarahan ayaa sheegay iney ugu talogaleen is dhexgalka dhallinyarada ee gobolka Mudug.

Xirsi Yuusuf Barre oo ah duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dhallinyarada Mudug loo jeediyo dhanka ciyaaraha, intii ay ku mashquuli lahaayeen waxyaabo xun-xun.

Agaasimaha wasaaradda ciyaaraha ee Galmudug Cumar Cabdi Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tartankan ay ka qeybgali doonaan illaa 8 koox oo ka kala timid gobolka Mudug, ayna rajeynayaan in si wanaagsan ugu soo dhammaado.

“Tartankaan waxaa loogu talogalay in kor loogu qaado hammiga dhallinyarada, ay ku mashquulaan is dhexgalka iyo horumarka” ayuu yiri agaasimaha.

Ciiyarahan ayaa lagu billaabay kooxo kala matalayey Bandar Qaali iyo Bacadweyne, iyadoo si xamaasad leh ay kusoo dhammaatay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada