U bood dhigaalka

Dhageyso: Gaas Oo Sababaeeyay Taageeradoodii Xulufada Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sababeeyay sababihii maamulkooda uu ku taageeray xulufada Sacuudiga iyo waxa ay kaga soo horjeesteen dowladda Qatar.

Waxa uu sheegay ugu horreyn in aysan aqoon meel ay Qatar ku taallo, wuxuuna intaa ku daray in kaliya ay ogyihiin dowladda Qatar iney dhaqaale ku bixiso Sheekh Atam oo uu sheegay inuu mas’uul ka yahay dhibaatooyinka ka jira Galgala.

Waxa uu tilmaamay Gaas iney ku taageereen xulufada Sacuudiga arrimo badan oo ay kamid yihiin mashaarciida dalka ka wadaan gaar ahaan Imaaraadka, xiriirka dhaqaale iyo arrimo kale.

“Annagu Qatar wax xiriir ah oo aan leenahay ma jirto, ma naqaan meel ay ku taallo, xiriir lama nihin, Ata moo abuuray dhibaatada Galgala ka jirta ayeey hadda haysaa ay dhaqaale ku bixisaa, wax kaloo naga jiraa ma jiraan, xiriir ganacsi malihin, dowladda Imraadka Carabta iyo Sacuudiga…… cidda naga taageerta ilaalinta badaha waa Imaaraadka, mashaariic badan ayeey wadaan, Sacuudigana waa wadan Muslimiinta dhan muhiim u ah, Soomaali badan ayaa ka shaqeysta, xoolaheena u dhoofaan, marka xaqiiqda aniga ma fahmin marka la leeyahay dhexdhexaad halaga noqdo, waxaad moodaa dowladda iney taageereyso mowqifka Galmudug, aniga madaxweynihii Puntland ayaan ahay, 4 milyan oo reer Puntland ayaa mas’uul iga saaran yahay si aan u arko mustaqbalkooda iyo hormarkooda dan u tahay ayaan ka shaqeyneynaa oo qaadaneynaa, dowladda Federaalka waan la hadalnay, in dhoweyd baan ka wadahadalnay, waxaan isku daynay iney ka fiirsadaan arrintaasi oo aanay ku degdegin, muddo baa kasoo wareegtay, June bay ahayd markii ay wax dhaceen, annagane August ayaan ka hadalnay” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Sidoo kale Gaas ayaa ka hadlay qodobka 54-aad ee Dastuurka KMG dalka u yaalla, kaasi oo qeexaya in arrimaha dibadda looga dambeeyo dowladda Federaalka.

“Waxaad ogaataa waxaa aad loogu doodaa in qodob la yiraahdo 54-aad oo lagu soo celiceliyo waxyaabaha qaarkood dowladda Federaalka halooga dambeeyo, dabcan waa looga dambeenayaa, laakiinse 54-aad waxaa ka horreeya kan 53-aad, wuxuuna qorayaa iyadoo la qadarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqeynayo, xukuumadda Federaalka waa iney dowlad goboleedyada kala tashataa wadaxaajoodyada la xiriira heshiisyada caalamiga ah, marka ay wada xaajoodyada ay si gaar ah u sameynayaan danaha quseeya dowlad goboleedyada xukuumadda Federaalka ergada wadaxaajoodka galeysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka” Gaas ayaa sidaasi yiri.

Waxaa jira khilaaf siyaasadeed oo iminka ka dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaar.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News