U bood dhigaalka

Dhageyso: Gaas Oo Xil Ka Qaadis Sameeyey

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kala direy golahii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, wuxuuna dhanka kale xilkii ka qaaday duqii magaaladaasi Maxamuud Yaasiin Tumey.

Gaas ayaa sheegay in muhiim ay tahay in ay shacabka Gaalkacyo helaan isbedallo dhanka maamulka ah, iyadoo aanay sabab kale jirin.

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka maamulka Puntland ayaa aad u hadalhaya arrintan.

Arrintan uu madaxweyne Gaas sameeyey ayaa imaaneysa xilli Puntland isku diyaarineyso doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweynaha.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News