U bood dhigaalka

Dhageyso: Gaas Oo Xilka Ku Wareejiyay Dani, Kadibna Cafis Dalbaday

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegayey madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani.

Madaxweynihii hore ee maamulkaasi C/wei Gaas ayaa xilkaasi wareejiyey, isaga oo sheegay in wax badan ay qabteen mudadii uu xilkaasi hayey.

Gaas ayaa shacabka Puntland iyo ciidanka maamulkaasi ka dalbaday in ay la shaqeeyaan madaxweyne Dani.

Sidoo kale, Gaas ayaa ka dalbaday shacabka Puntland iney iska cafiyaan meel walbo oo ay joogaan.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Dani oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamulkii Gaas ay wax badan qabteen, iyaguna halkaasi howsha kasii wadi doonaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News