U bood dhigaalka

Dhageyso: Galmudug Gaari Ayaa U Celinay DDSI

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in dowlad degaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ay dib ugu celiyeen gaadiid laga la soo baxsaday markii ay dhaceen rabshado gudaha magaalada Jigjiga iyo magaalooyin kale.

Wasiir xigeenka wasaaradda amniga Galmudug Mahad Maxamed Xasan ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in ciidamada Galmudug ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan gaarigani oo lala soo galay degmooyin ku yaalla waqooyiga gobolka Galgaduud oo xiga dhanka ismaamulka Itoobiya.

“Hal gaari baa wareejinay hadda oo laga la soo goostay dowlad degaanka ayaa lagu qabtay degmada Balanbal waana celinay, sababtu waxaa weeye waxaa naga dhaxeeysa wada shaqeyn amni DDSI waxaana ku raad joognaa gaadiid kale” ayuu yiri wasiir Mahad Xasan.

Qulqulatooyin dhowaan ka dhacay magaalooyin kamid ah dowlad degaanka Soomaaliya Itoobiya ayaa waxaa dhacday iyo dad ay ku soo qaxaan gudaha Soomaaliya, halka meelaha qaar laga soo sheegayay gaadiid laga la soo baxsaday magaalada Jigjiga.

HALKA HOOSE KA DHAGAYSO:

 

Goobjoog News