U bood dhigaalka

Dhageyso: Galmudug Maxay Ka Tiri Shirka Dastuurka Ee Ka Furmaya Muqdisho?

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa dhankooda waxay si gaar ah uga hadleen shirka Dastuurka ee ka furmaya magaalada Muqdisho oo maamul goboleedyada qaar ay diideen.

Wasiirka Dastuurka ee Galmudug Maxamed Cabdi Colaad oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in shirkaan aysan ka qeybgali doonin, maadaama maamul goboleedyadii dhammaan ay diideen.

Wuxuu sheegay in xubnihii uga qeybgali lahaa shirkaan ay ku sugan yihiin Muqdisho, balse aanay xaadiri doono howlgalka lagu shirayo.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in muhiim ay tahay iney ka qeybgalaan dhammaan maamul goboleedyada, iyaguna ay go’aan ku gaareen haddii aanay imaan maamul goboleedyada iyaguna aanay ka qeybgeli doonin.

Ugu Dambeyn, wasiir Colaad ayaa ugu baaqay wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya iney la hadasho maamul goboleedyada si loo helo shir loo dhan yahay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News