U bood dhigaalka

Dhageyso: Galmudug Oo Baaq u Dirtey UNICEF

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda badbaadada caruurta ee UNICEF oo Cadaado yimid ayaa kulan la qaatay madaxda Galmudug, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha horumarinta caafimaadka iyo daryeelka carruurta oo badankood ay la daalaadhacayaan nafaqo darri.

Maxamuud Cismaan Cabdulle, Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug ayaa sheegay in UNICEF ay ka dalbadeen dhaqaatiir ka howlgala deegaannada Galmudug iyo badbaadinta carruurta u liita nafaqo darada ee ku nool gobollada Mudug iyo Galgaduud.

“In si wanaagsan looga shaqeeyo arrimaha caafimaadka guud ee deegaannada, iyadoo laga warbvixiyey in la daboolo waxa ay isbitaallada u baahan yihiin, in la keeno dhaqaatiir badan oo hadda ay yar yihiin dhaqaatiirta Isbitaallada deegaannada Galmudug ka howlgala.. iyadoo hay’adda ay maanta ballanqaadday in si fiican ula socon doonaan, sidoo  kale waxyaabaha laga hadlay waxaa kamid ah arrimaha daryeelka Carruurta’ ayuu yiri agaasimaha warfaafinta madaxytooyada Galmudug.

Deegaannada Galmudug waxaa ka jirta abaar baahsan, waxaana abaartu ay saameysay carruur badan oo hadda u baahan gurmad dhan walbo leh.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News