U bood dhigaalka

Dhageyso: Galmudug “Waa In La Joojiyo Dagaalka Balanbal”

Sheeko:Amniga

Wasiir xigeenka wasaaradda amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa farriin nabadeed u diray malleeshiyo beeleedyo dirirtooda ay ka taagan tahay degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay wasiir xigeenka in ciidamo ku baxeen colaaddaasi oo uu ku tilmaamay mid xilligaan aan loo baahnayn.

Wasiir Mahad ayaa sheegay in doorka Galmudug yahay sidii loo nabdeyn lahaa degmada Balanbal islamarkaana heshiis loo kala dhex dhigi lahaa dhinacyada dagaallamaya.

Malleeshiyada labada dhinac ayuu ugu baaqay in gacan ka hadalka ay ku beddalaan wada hadal.

HOOS KA DHAGEYSO:

 

 

Goobjoog News