U bood dhigaalka

Dhageyso: Ganacsatada Degmada Balcad Oo Cabasho Ah

Sheeko:Dalka

Ganacsatada ku dhaqan degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay iney cabasho ka yihiin koronto la’aan oo wax ka badan 24-saac adeeggii koronto ka waayay shirkadda kaliya ee halkaasi ka howlgaleysay.

Waxay sheegeen ganacsatadan in aanu jirin wax tixgelin ah oo ay ka heleen shirkaddan, islamarkaana ay soo gaartay khasaare badan.

Maxamed Yuusuf Kuulow oo ka mid ah ganacsatadan ayaa sheegay in ay ku shaqeysanayeen qaboojiyeyeel, taana ay keentay in ay halaabaan wixii ku jiray.

Wuxuu ku baaqay in maamulka degmada Balcad uu wax ka qabto xaaladdan koronto la’aanta ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News